Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Daaru Nimca ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa  ka dhacay deegaanka Daaru Nimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan, kuwaas oo si kooban faah faahin uga bixiyay dagaalkaan oo guud ahaan deegaanka laga dareemay.

Dagaalka ayaa yimid markii maleeshiyaadka Al shabaab ay weerar ku qaadeen fariisinka ciidanka Soomaaliya ay ku sugaanyeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan. Waxaa jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dagaalka.
Dagaalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo ugu yaraan 17 qof ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Busleey ee gobolka Shabeellaha Hoose maalmo ka hor.

Muddooyinkii la soo dhaafay dagaalyahannada kooxda Al shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaadayay fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada joogo furimaha dagaalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed