War cusub oo ka soo kordhay hishiiskii difaac oo ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saxiixay heshiiska difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee ay la galeen dowladda Turkiga, isla markaana ay shalay ansixiyeen Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya Labadiisa Aqal, kaasoo lagu tilmaamay mid taariikhi ah.

Heshiiskan oo uu maanta saxiixay madaxweynaha Soomaaliya ayaa socon doono muddo 10 sano ah, dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageeri doonto ilaalinta xeebaha dalka, ka hortagga burcad badeeda, argagixisada, kaluulmeysiga sharci darrada ah iyo khatarta ka imaan karta dalal shisheeyee ee damaacinaya biyaha Soomaaliya.

Si kastaba hishiiskan ayaa waxaa su diiran u soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo u arka dowladda Ankara midda ku habboon ee lala gali lahaa hishiis difaac, iyada oo madaxweynaha uu sheegay in codsigaan oo la hordhigay dowlado badan aysan ka soo jawaabin, marka laga reebo dowladda Turkiga oo ku ammaanay tallaabadaas.

Turkiga ayaa sidoo kale Soomaaliya ku leh   saldhg weyn oo millatari, isla markaana maamulo Soomaaliya iogaroonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed