Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo oo hal maalin wuxuu ku tagay dalka Ugandha halkaasi oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa Uganda, Yoweri Kaguta Museveni.
Sida lagu sheegay wabixin ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya, booqashada madaxweynaha ayaa lagu tilmaantay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda.
Sidoo kale, Waxay dib u xaqiijiyeen sida ay tilmaantay Villa Soomaaliya sida ay uga go’an tahay labada dal inay sii xoojiyaan iskaashiga ku aaddan horumarinta nabadda gobolka, xasilloonida iyo barwaaqada ay wadaagaan.
Uganda oo ciidamadeeda qeyb ka yihiin howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM ayaa ku sugan deegaanno istaraatiiji ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasi oo kala ah Baraawe, Buula Mareer, Qoryooley, Janaale, Gooleyn, Daniga Baalow iyo deegaanno kale.

