In ka badan 220 Askari oo ka tirsanaa ciidamada DFS oo laga soo daayey xabsi Itoobiya leedahay

Waxaa tan iyo galinkii dambe ee shalay si weyn warbaahinta bulshada ugu faafay xogta la xariirta askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo tiradoodu gaareyso illaa 220 askari oo loogu soo dhaweeyay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, kadib markii  la sheegay in laga soo sii daayay xabsi ay ku jireen gudaha dalka Itoobiya muddo ku dhow 3 bilood.

Ciidamadan ayaa ka mid ahaa askartii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii hore ee August tababarka ugu soo xiray deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud. Waxaa lagu hayay xerada Garab Case ee magaalada Jigjiga, waxaana markii dambe lagu wareejiyay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo ay soo galbiyeen saraakiil ka tirsan Dowladda deegaanka Soomaalida.

Guddoomiyaha degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool Abdirahman Kheyre oo u mahadceliyay saraakiishii fududeeyay wareejinta askarta, ayaa sheegay in ciidamada loo xiray khaladaad dhacay, balse ay hadda si nabad ah ugu soo laabteen deegaankooda.

Wuxuu dooddiisa ku adkeeyey in askartan markii hore laga faafiyey warar been abuur ah oo la xariira sida uu sheegay in loo waday ururka ONLF, balse uu beeniyey. Wuxuu sheegay in soo deynta ciidamadan inuu kaalin ka qaatay madaxweyne Xasan Sheekh, kadib socdaalkii ugu dambeeyey ee uu ku tagay Addis Ababa oo uu arrintani kala soo hadlay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Soo deynta ciidamada ayaa ku soo beegmaysa xilli ay jiraan loollan siyaasadeed iyo mid amni oo ka jira gobolka. Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo dhammaystiran oo ku saabsan sababihii loo xiray askarta, xaaladdoodii intii ay xirnaayeen iyo wada-hadallada u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee arrintan la xiriira oo dhianacyadu si rasmi ah warbaahinta ugu soo bandhigeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed