DFS oo sheegtay in inka badan 70 Al-Shabaab ah ku dishay dagaal ka dhacay Aagga Buurhakaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ku dileen ku dhowaad 75 maleeshiyaad Al-Shabaab ah, halka 56 kalena lagu dhaawacay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Jameeca ee hoostaga degmada Buurhakaba, gobolka Baay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga saaka ayaa lagu sheegay in ciidanku uu 26-kii bishaan Oktoobar weerar saacado badan qaatay ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas, iyadoo howlgalka uu qayb ka yahay gulufka ay ugu magac dartay “Banooda”.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in intii dagaalku socday ay Al-Shabaab gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyey ku weerareen gaadiidka ciidanka, taas oo waxyeello gaarsiisay qaar ka mid ah gaadiidka Xoogga Dalka. Ma aanay sheegin tirada ciidamada wax ku noqday iyo inta khasaaraha soo gaaray uu gaarsiisan yahay.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgalka Banooda uu sii socon doono, si loo wiiqo sida hadalka loo dhigay awoodda Al-Shabaab, loona burburiyo fariisimahooda loona xaqiijiyo amniga dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed