Madaxweyne maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo liiska Golihiisa Wasiirada saacadaha soo socda, kaddib markii uu soo dhammaaday waqtigii loo qabtay in uu ku soo dhiso xukuumad cusub, horraantii bishii hore markii uu ku guuleystay doorashadii xilka madaxweynaha Puntland ee 2024-2029.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in meel gabogaba ah ay mariyaan arrimaha ku xeeran Golaha Wasiirada maamulkaas, iyada oo Deni laga sugayo in u ku dhawaaqo, maaddaama maanta ay ku beegan tahay 28 February 2024 oo ay soo wareegtay 30 maalin, oo ah muddadii la siiyay.
Baarlamaanka Puntland ayaa muddo bil ah siiyay madaxweyne Deni inuu kusoo dhiso xukuumaddiisa cusub. Muddadii loo qabtay ayaa dhamaatay, oo maanta ku eg.
Sidoo kale, tirada wasiirrada uu soo magacaabi doono ayaa ka badnaan doonta tiradii hore, isagoo soo kordhin doona wasaarado cusub, halka kuwa kalena uu kala madax bannaanayn doono sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
HBN NEWS DESK