Walaaca laga qabo Wabiga Shabeelle oo sii kordhaya iyo digniino la soo saaray

Wabiga Shabeelle ee mara magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya ayaa keenay biyo aad uga badan sidii hore, taasoo keentay walaac laga qabo fatahaad uu sameeyo, sida lagu sheegay warbixin cusub oo digniin ah.

Warbixintii ugu dambeysay ee ka soo baxday ayaa sheegeysa in khasaaro xooggan in uu geysto laga cabai qabo wabiga deegaannada uu ka maro dalka, gaar Hirshabeelle

Dadka deegaanka  ayaa lagu booriyay y inay ka fogaadaan webiga iyo meelaha kale ee biyaha, si loo yareeyo khatarta fatahaadda.

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee uu soo saaray xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA, roobabka gu’ga ee socda ayaa horey u saameeyay in ka badan 163,400 oo qof iyadoo ugu yaraan 37,120 ay ku barakaceen dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Jubaland iyo Koonfur. Galbeed.

Baahiyaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya 2024 iyo qorshaha wax ka qabashada, oo muhiim u ah wax ka qabashada arrimahan, ayaa 11% kaliya la maalgeliyay, iyadoo guud ahaan loo baahan yahay $1.6 bilyan. Iyadoo roobabku ay sii socdaan, baaq degdeg ah oo ku aaddan kordhinta gargaarka caalamiga ah iyo maalgelinta ayaa lagama maarmaan u ah in kor loo qaado dadaallada gargaarka iyo bixinta gargaarka lagama maarmaanka ah ee bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed