Wajiga Labaad Dagaalka Al-shabaab oo Laga Dareemayo Gobolka Shabeelada Dhexe

Muqdisho ( Hbn Tv)-Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeeleda dhexe ayaa waxa ka jiro saan saan dagaal oo ay wadaan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Macaasleyda.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in dhaqdhaaqyo Ciidan oo Xooggan ay ka jiraan duleeda Caasimadda Hirshabelle ee Jowhar, waxana la arkayaa gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, waxayna wadaan howlgalo ka dhan ah Ururka Al-shabaab kaas oo ka socda deegaano ka tirsan gobolka.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Militariga dawlada Federaalka ee ku sugan gobolka shabeelada Dhexe ayaa laga soo xigtay in ay qorsheynayaan weeraro ka dhan ah kooxda Al-shabaab looga xoreynaayo guud ahaan deegaannada Hirshabeelle.

Dhaqdhaaqyadaan Ciidan ee ka jira galbeedka gobolka Shabeelada Dhexe ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan ku dhawaaqay wejiga labaad Hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab oo ka laga bilaabayo degaano ka Tirsan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed