Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta tagay furimaha hore ee dagaalka gobolka Shabeelada Hoose, kuwaas oo la kulmay saraakiisha hoggaamineysay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al shabaab.
Taliyaha ayaa Ciidanka u sheeegay in la doonayo in kaalin mug leh ay ka qaataan la dagaalanka Al shabaab isagoo saraakiisha iyo askarta faray in sare loo qaado howlgalka lagu baacsanayo dagaalyahannada Al shabaab ee ka socda Shabeellada Hoose.
Kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan deegaanka Dhanaane iyo saraakiisha ciidamada milateriga iyo booliiska ayaa looga hadlay dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda ee lagu xoreynayo deegaannada cusub.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa HBN TV u sheegay in dowladda Federaalka ay Ciidamo dheeraad ah geysay deegaanka Dhanaane, si ay u xoojiyaan Ciidamada, maadaama qaar kamid ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarkii shalay.
Si kastaba, Ciidamadda xoogga dalka ayaa guluf dagaal oo culus ka wada deegaano ka tirsan gobolka Sh.hoose, iyadoo Shabaab shalay ay askar iyo saraakiil ku leysay duulaan ay kusoo qaaday deegaanka Dhanaane oo fariisin u aheyd ciimada dowladda Soomaaliya muddooyinkii la soo dhaafay.
Deegaanno kala duwan oo katirsan gobollada Dalka waxaa kormeer ku maraya Saraakiisha ugu sarraysa Ciidanka Xoogga Dalka kuwaas oo dib u abaabulaya howlgallo ka dhan ah Al shabaab oo ciidamada Federaalka & kuwa deegaaanka dib ugu qabsanayaan goobo ay horay u qabsadeen balse dib isaga baxeen.
HBN NEWS DESK