Wafdi heer sare ah wado qorsho culus oo lagu bilaabayo dagaalka ka dhanka ah Al shabaab maamulka Koofur Galbeed

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa wado qorshihii lagu bilaabi lahaa dagaalka wajiga labaad lagu ciribtirayo dagaallayahannada ururka Al shabaab, waxana halkaas ka socdo wadatashiyo ballaaran oo ku wajahan dagaalyahannada.

Wafdi heer sare ah oo ka kooban mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah oo ay hogaaminayaan Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa gaaray degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wafdigan ayaa u yimid sidii ay isugu dubaridi lahaayeen isla markaana ay u abaabuli lahaayeen howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolka. Waxaa lagu wadaa in dhawaan maamulkaas oo si toos ah uga bilaawdo dagaalka kaas qorshihiisu yahay in lagu dhawaaqo, warkaan ayaa ku soo aadaya iyada dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu tagay KGS halkaas oo uu ka iclaamiyay dagaalka.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed