Waa tuma Sagal Cabdiweli? : Qatooxi ka yimid Soomaaliya ilaa xubin ka tirsan Baarlamaanka UK

Sagal Cabdiweli ayaa taariikh cusub ka dhigtay dalka Ingiriiska, kadib markii loo doortay xubin ka tirsan Baarlamaanka Britain, maalinimadii Khamiista ee 8-dii bishaan Oktoobar 2026, iyadoo matalaysa xisbiga shaqaalaha ee doorashada deegaanka Holborn and St Pancras ee bartamaha London.

Waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee asal ahaan Soomaali ah ee xil sare ka qabatay gudaha Ingiriiska. Sagal waxay ku dhalatay Soomaaliya horraantii sannadihii 1980-meeyadii. Waxay qoyskeeda kala soo qaxday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, iyadoo 7 jir ah markii ay qaxooti ahaan ku tagtay Britain.

Sagal oo la socota hooyadeed iyo 4 walaalaheed ah ayaa xiligaasi deggay xaafadda Gospel Oak ee degmada Camden, halka aabbaheed uu markii dambe qoyska ku soo biiray.

Intii ay ku jirtay koriimadeeda Camden, waxay ka faa’iidaysatay waxbarashada iyo adeegyada bulshada ee deegaanka. Waaya-aragnimadeeda nololeed waxay ku dhiirrigelisay inay u istaagto caddaaladda bulshada, sinnaanta, guriyeynta iyo adeegga dadweynaha.

Ka hor intii aysan gelin siyaasadda heer qaran, Sagal waxay in ka badan 20 sano ka qayb qaadanaysay howlaha bulshada, iyadoo ka shaqaynaysay mutadawacnimo, ururro samafal iyo barnaamijyo loogu talagalay dhallinyarada. Waxay sidoo kale ka shaqaysay arrimaha guriyeynta, waxayna xubin ka ahayd guddiga maamulayaasha Iskool.

Xirfadeeda siyaasadeed ayaa horumar samaysay markii loo doortay golaha deegaanka Camden sannadkii 2022. Sannadkii 2024, waxay noqotay xubin ka tirsan golaha fulinta ee Camden u qaabilsan xaaladaha baahiyahaa bulshada ee guryaha, iyadoo kormeeraysay horumarinta guryaha iyo barnaamij maalgashi oo weyn oo gaarayay £ 670 milyan oo giniga sterling-ka ama ku dhowaad $ 900 oo milyan oo doolar.

Bishii May ee sanadkan 2026, waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Madow ah ee hoggaamisa Golaha Deegaanka Camden. Kadib markii ra’iisul wasaarihii hore Keir Starmer uu iska casilay xubinimadii Baarlamaanka, Sagal ayaa loo xushay musharraxa xisbiga shaqaalaha ama Labour-ka ee doorashadii deegaanka Holborn and St Pancras.

Sida ku cad natiijada doorashadii, 8-dii bishaan Oktoobar, Sagal waxay ka guulaysatay Zack Polanski, hoggaamiyaha Xisbiga Green Party, iyadoo heshay 12,292 cod, oo u dhiganta 45.2% codadka la dhiibtay. Waxay ku guulaysatay aqlabiyad dhan 3,364 cod.

Waxyaabaha Sagal ay sheegtay inay mudnaanta siinayso waxaa ka mid ah wax ka qabashada hoy la’aanta, kordhinta guryaha qiimahoodu la awoodi karo, abuurista fursado ay dhallinyaradu ka faa’iidaystaan iyo taageeridda in shirkadda biyaha ee Thames Water ay noqoto mid dadweynuhu leeyahay.

Ololaheeda doorashada waxaa sidoo kale hareeyay muranno siyaasadeed iyo weerarro cunsuriyadeed. Safarka Sagal Cabdiweli ee ka bilaabmay gabadh yar oo Soomaaliyeed oo qaxooti ah kuna dhammaaday xubinnimada Baarlamaanka Britain ayaa astaan u ah kororka matalaadda Soomaalida ee siyaasadda Britain, wuxuuna muujinayaa xiriirka muddada dheer ee ay la leedahay bulshada Camden.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed