Waa sidee xaalada magaalada Laascaanood ka dib dagaalkii shalay?

Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa deggan ka dib dagaal culus oo khasaare ba’an dhaliyay oo shalay ka dhacay duleedka magaalada kaasi oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo xooggaga deegaanka ee ka soo horjeeda.

Dagaalkii shalay ayaa sida aynu ka helayno dad xog ogaal ah oo kala duwan waxaa ku dhintay dad ka badan 50 qof oo labada dhinac ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 100 qof oo ay ka mid yihiin dad rayid ah oo ay magaalada ku haleeleen madaafiicyadii iyo rasaastii la iswaydaarsanayay.

Ciidamada labada dhinac ayaa ku kala sugan goobihii shalay dagaalku ka dhacay, waxaana jirta xiisad iyo dhiillo colaadeed iyadoo dagaalku xilli kasta bilaaban karo.

Gudoomiye kuxigeenka Guddiga Aayaha SSC oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ayaa qiray in dagaalkii shalay maxaabiis ka tirsan ciidankooda ka tirsan lagu qabtay dagaalka, kuwaasi oo uu sheegay in si xun loola dhaqmay, isla markaana la jir dilay, waxaa kale oo uu sheegay in iyagu ay qabteen maxabaiis iyo gaadiid dagaal oo ka tirsan dhanka Somaliland.Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Somaliland oo ku aadan in ciidamo maxaabiis ah laga qabtay.

Dhinaca kale magaalooyinka Burco iyo Garoowe ayaa la geeyay dhaawacyo aad u badan oo wax ku noqday dagaalkii shalay, waxaana laga dareemayaa Isbitaalada magaalooyinkii hawlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka dhaawacyada ah.

Wixii warar ah ee arrimhan ku soo kordhan waxaan idinkugu soo gudbin doonnaa barnaamijyadeenna dambe haddii ALLE idmo.

HBN News Desk

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed