Ururka Jaamacadda Carabta iyo Wasaaradd Arrimaha Debadda oo yeeshay kulan looga hadlay faragelinta Itoobiya ee biyaha Badda Cas

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar, ayaa Talaadadii Magaalada Qaahira kula kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Al-Ghait.

Waxay ka wadahadleen horumarinta iskaashiga, taageeridda mowqifka Soomaaliya ee ilaalinta madax-banaanideeda khataraha dibadda, iyo wax ka qabashada caqabadaha juqraafiyeed.

Kulankan oo ku soo beegmay maalin ka hor kalfadhigii wasiiradda ee Golaha Jaamacadda ee fadhigoodii caadiga ahaa  ayaa waxa ay ku nuuxnuuxsadeen in loo baahan yahay in si degdeg ah loo taageero Soomaaliya.

Abu Al-Ghait ayaa mar kale xaqiijiyay in Jaamacadda Carabta ay garab taagan tahay Soomaaliya iyo mowqifka cad ee ay ka taagan tahay dadaallada uu dalka ku doonayo in lagu difaaco qaranimadeeda. Wuxuu ku gacan seyray heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland ku kala saxiixdeen 1-dii Janaayo magaalada Addis Ababa, isagoo sharraxaad ka bixiyay mowqifka Jaamacadda Carabta ee ah inay diiday wax kasta oo wax u dhimaya midnimada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in heshiiskaasi uu ku xadgudbay madax banaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, waxaana ay codsatay taageero caalami ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed