Ugu yaraan 9 askari ayaa lagu dilay Somaliland iyo dhaawaca ku dhawaad 20 kale

Ugu yaraan 9 askari ayaa ku dhintay, 17 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan booliska Somaliland, weerarkaas ayaa waxa fuliyay ciidamo jabhad ah oo ku sugnaay buuraleyda  Gacan Libaax ee gobolka Saaxil, arrintaas ayaa ku soo aadday mudaharaadyo ka dhacay gobolko ka tirsan maamulkaas.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan S Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa,  ayaa sheegay in ciidamada Boolisku ay ku sii jeedeen dhinaca degmada God-dayar ee gobolka Saaxil.

Wasiirka Arrimaha Gudaha , waxa uu sheegay inay hore uga gaabsadeen inay tallaabo degdeg ah ka qaadaan maleeshiyaadkaas, sababo la xiriira codsiyo uga yimid odayaal iyo dad ganacsato ah. Wasiirka ayaa ku eedeeyay Cabdiraxmaan Cirro oo ah musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani inuu caqabad ku yahay dedaaladii nabadeed ee uu waday, waxaa intaas raaciyay dhibtaadas uu asiga ka dambeeyo sida uu hadalka u dhigay.

C/raxmaan Cirro oo hadda ku sugan magaalada Boorama, ayaa jabhadda u soo jeediyay inay hubka dhigaan, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka ay jabhaddu ku urursan tahay ee gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa bishii hore ka hadlay walaaca ay ka qabaan jabhado ka soo horjeeda xukuamadda , kuwaas oo ka soo curtay Buurta Gacan Libaax, isagoo sheegay in aanay dadka Somaliland danaynayn inay colaad dhexmarto.

Afhayeenka jabhadda Axmed Cali Haybe, ayaa ku andacooday in dhaqdhaqaaqyada ay maalmihii u dambeeyay ka wadeen Buuralaydaasi ay tahay mid ay kaga falcelinayaan Madaxweyne Biixi oo mucaaridku awood u adeegsaday.

Khilaafka arrimaha doorashooyinka Somaliland ayaa cakiran, kadib markii jadwalkii ay soo saareen guddiga doorashada ay mucaaradku diideen, arrintaas ayaa sababtay in dilaacaan kooxo abaabulan oo ka soo horjeedo xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed