Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay dhulgariir xooggan oo ku dhuftay dalka Japan, iyadoo kooxaha gurmadka ay la tacaalayaan sidii ay u gaari lahaayeen goobo go’doonsan oo dhismayaal ay dumeen, wadooyin burburay, korontaduna ay goysay tobanaan kun oo guri.
Dhulgariirkan oo cabbirkiisu ahaa 7.6 ayaa dhacay gelinkii dambe ee Isniintii, taasoo keentay in dadka deggan deegaannada xeebaha qaarkood ay u qaxaan dhul sare, kaddib markii mowjadaha tsunami ay ku dhufteen xeebaha galbeed ee Japan, kuwaas oo qaaday qaar ka mid ah baabuurta iyo guryaha badda.
Kumanaan ka tirsan ciidamada, dabdamiska iyo saraakiisha booliska oo ka kala yimid gobolada dalka ayaa loo diray goobta ugu daran ee ay waxyeeladu ka soo gaartey jasiirada Noto ee ismaamulka Ishikawa.
Si kastaba ha ahaatee dadaalada samata bixinta ayaa waxaa hor istaagay burbur xoogan iyo wadooyinka xiran waxaana maamulka uu sheegay in ay ku adagtahay in la qiimeeyo inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay.
Garoonka diyaaradaha ee Noto ayaa u xiran burbur soo gaaray dhabada ay diyaaraduhu ku ordaan, Terminalka iyo waddooyinka soo gala, iyadoo 500 oo qof ay ku xayiran yihiin gudaha baabuurta goobta baakinkiisa, sida ay sheegtay warbaahinta dadweynaha ee NHK.
HBN NEWS DESK