Ugu yaraan 10 ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay howlgal qorsheysan oo ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen gobolka Baay.

Ciidamada Nabad Sugida Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamo deegaanka ah oo abaabulan ayaa howlgalo qorsheysan oo qorsheysan waxa ay ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin meel u dhow degmada Bardaale ee Gobolka Baay, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 10 ka tirsan kooxdaasi, sida ay sheegeen.

Ciidamada ayaa intii ay howlgallada qorsheysan ku guda jireen waxa ay sidoo kale soo furteen 9 qori oo AK-47 ah, 1 qori PKM ah, iyo 8 sanduuq oo ay ku raran yihiin rasaas sida ay sheegayaan soona bandhigeen.

Howlgalladan adag ayaa imaanaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay si adag u sheegtay in ay xoojin doonto howlgallada ka dhanka ah kooxda ee ka socda gobollada dalka si looga xoreeyo deegaannada cusub ee ay kooxdaasi gacanta ku hayso.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday dagaal guud oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana uu sheegay in la joogo xilligii la isku soo wada jeesan lahaa sidii cadowga looga adkaan lahaa, waxaana uu tilmaamay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamadu ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobollada dalka ay guulo waaweyn ka gaareen.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al shabaaab ee ku aaddan dagaalyahannada laga dilay iyo hubka ay soo bandhigeen ciidamada weerar ba’an ku qaaday kooxda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed