Turkiga iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay iskaashiga dhanka tamarta kulan ka dhacay magaalada Ankara

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar iyo Risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhanka tamarta ee labada dal Talaadadii.

“Intii uu socday kulanka, waxaan ka wada hadalnay tallaabooyinka lagu horumarinayo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada tamarta, gaar ahaan hydrocarbons, waxaan sii wadi doonnaa dadaallada aan ku gaarsiineyno iskaashiga tamarta ee heer u qalma xiriir dhow oo daacad ah oo u dhexeeya dalalkeenna,” ayuu yiri Wasiirka Tamarta Turkiga.

Turkiga oo saaxiib dhow la ah dalka ku yaalla Geeska Afrika ayaa maalgeliyay dhinacyada waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka, waxaana uu bixiyay gargaar bani’aadanimo oo aad u badan.

Turkiga ayaa safaaradda ugu weyn ee Afrika ku leeyahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana uu sidoo kale halkaasi ka dhisay xaruntii ugu weyneyd ee lagu tababaro ciidamada qaranka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed