Ciidanka Difaaca Puntland ee howlgalka ka dhanka ah Daacish ku guda jira ayaa sheegay inay maanta dileen 20 ka mid ah kooxda, halka ay la wareegtay afar fariisin oo ay buuraha ku lahaayeen.
Saraakiisha hoggaaminaya howlgalka buuraha Cal-miskaad ayaa xaqiijiyey in xubnaha la dilay ee labaatankan ah ay qeyb ka aheyd Haweenay u dhalatay dalka Itoobiya.
Talisyada ay Qabsadeen ciidamada Puntland oo maamulku ku sheegay fariisimo waa weyn ayaa kala ah taliskii Awaydi, Wacariyaad, Salnafeed iyo Kaadilay oo Dhammaantood ka tirsan buuralayda Calmiskaad ee deegaanka Balli Dhidin ee Gobalka Bari.
Sidoo kale Ciidamada Puntland ayaa burburiyey Keydkii guud ee Raashinka iyo Xaruntii Caafimaadka ee Kooxda Daacish, iyaga oo la wareegay goobahaasi.
Puntland ayaa sheegtay in Howlgallada Ciidamada wadaan ay ku socdaan si Xowli ah, iyaga oo la wareegaya goobo istiraatiiji ah la wareegtay.
HBN ONLINE TV