Waxaa korortay tirada dadka ku dhintay dhulgariir xoog leh oo maanta ruxay gobol ku yaal galbeedka Shiinaha iyo meelo ka tirsan dalka Nepal, waxaana haatan la xaqiijiyay geerida 126 qof oo ku noolaa gobolka Tibet.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Shiinaha Xinhua ayaa sheegaysa in ugu yaraan 188 qof ay ku dhaawacmeyn Tibet oo dhaca dhinaca xadka Shiinaha sida ay ku warrantay.
Muuqaallo ay soo dhigtay Wasaaradda Maareynta Degdegga ee Shiinaha ayaa muujiyay laba qof oo lagu qaadayo sariiraha gurmadka, shaqaaluhuna ay ku soconayaan burburka guryihii dumay.
In ka badan 1,000 guri ayaa lagu soo warramay in ay ku burbureen gobolka Tibet, sida uu sheegay telefishinka qaranka CCTV.
Muuqaallo uu telefishinka soo bandhigay ayaa muujinaya burburka wadooyinka & dhismayaashan sidoo kalena gawaari ayaa ku burburay dhulgariirka.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP, dad ku nool waqooyi-bari ee Nepal ayaa si xoog leh u dareemay dhulgariirka, balse ma jirin warar horudhac ah oo sheegaya dhaawacyo ama burbur, sida laga soo xigtay Xarunta Howlaha Degdegga ee Qaranka ee dalkaas.
Hay’adda Cilmiga Juqraafiga ee Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo (USGS) ayaa sheegtay in dhulgariirka cabirkiisu ahaa 7.1, iyadoo laga dareemay ilaa 10 kiiloomitir, laakiin Xarunta Shiinaha ee Dhulgariirka ayaa cabirka u diiwaan gelisay 6.8.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku baaqay in la sameeyo dadaallo dhan walba leh si loo badbaadiyo dadka oo loo yareeyo khasaaraha, lana dejiyo deegaanno dadka guryahoodu burbureen.
In ka badan 3,000 oo shaqaale gurmad ah ayaa la geeyay goobta, sida ay sheegtay CCTV.
HBN Online TV