Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Markab xamuul oo lagu magacaabo M/V JACUAR oo wata calanka Saint Kitts and Nevis uu soo caariyay, kadib cilad biyo-gal ah oo ka dhacday gudaha markabka.
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Markabka uu ka soo shiraacday dekadda Nacala ee dalka Mozambique, isaga oo ku sii jeeday dekadda Adabiya ee Masar.
Sida ay sheegtay wasaaraddu, Markabka ayaa sida qiyaastii 7,007.73 tan oo badeeco ah, waxaana saaran 18 shaqaale oo u kala dhashay Hindiya, Suuriya iyo Masar. Waxay sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda markabka, iyadoo kaashanaysa hay’adaha kale ee ay khusayso.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay inay waddo gurmad iyo isku-duwidda hawlaha samatabixinta, si loo xaqiijiyo badbaadada shaqaalaha, loona maareeyo xaaladda markabka. Waxay ballanqaadday inay bulshada iyo dhinacyada ay khusayso la wadaagi doonto wixii warar cusub ah ee kasoo kordha xaaladda.
Waxaa xusid mudan in aan la sheegin halka uu Markabka uu ku soo caariyey.
HBN ONLINE TV

