Puntland oo sheegtay inay duqeyn ku burburisay Saanad Alshabaab ku heysteen Buuraha gobolka Bari

Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa maanta sheegtay in ciidamadeeda oo garab ka helayey kuwa Mareykanka ay si wadajir ah u fuliyeen duqeyn ka dhan ah Alshabaab oo ka dhacday buuraha Calmadow iyo Golis ee gobolka Bari. Howlgalkan ayaa la tilmaamay lagu beegsaday goob lagu magacaabo Markad, oo Puntland ay sheegtay inay Alshabaab u adeegsan jirtay sida hadalka ay u dhigtay kaydinta hubka iyo rasaasta.

War saxaafadeedka soo baxay ayaa lagu sheegay in bartilmaameedka ugu weyn ee duqeynta uu ahaa burburinta kaydka hubka iyo saanadda milatari ee kooxda, kuwaas oo la sheegay in loogu talagalay taageeridda hawlgallada Alshabaab iyo khatar-gelinta amniga shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Maamulka ma uusan sheegin howlgalkan duqeynta ah in khasaare kale uu ka oso gaaray kooxda Alshabaab iyo in wax rayid ah goobta hubkan lagu burburiyey wax ka soo gaareen iyo in kale.

Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in howlgalkani uu qayb ka yahay dadaallo joogto ah oo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab ee waqooyiga Soomaaliya. Beegsiga goobaha kaydka iyo xarumaha taageera kooxda ayaa, sida bayaanka lagu sheegay, lagu doonayaa in lagu carqaladeeyo awoodda Alshabaab ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada.

Muddooyinkii dambe, ciidamada Puntland ayaa howlgallo ka waday dhulka buuraleyda ah ee Calmadow iyo Golis, iyaga oo taageero ka helaya taliska howlgalada Mareykanka ee AFRICOM.

Dhanka kale, buuraha Calmiskad iyo Calmadow ee gobolka Bari ayaa Puntland weli waxay ka wadaa howlgalada ka dhanka ah haraadiga Daacish oo fariisimo ku leh, iyada oo sheegtay inay ciidamada u suurtagashay inay la wareegaan dhul ballaaran.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed