Xasan-Kaafi Qoyste oo Muqdisho ku geeriyooday

Allaha Unaxariisto’e Xasan-Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste oo kamid ahaa suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kaddib markii uu haleelay xanuun kedis ah, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Marxuum Xasan-Kaafi Qoyste ayaa kamid ahaa suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka soo shaqeeyay warbaahin kala duwan, waxaana kamid ahaa Laanta Af-Soomaaliga ee VOA iyo Idaacaddii Horn Afrik.

Waxaa lagu wadaa marxuum Xasan-kaafi in imaanta lagu aaso magaalada Muqdisho,

Bahda warbaahinta iyo dad kale oo aqoon u lahaa marxuumka ayaa tacsi u diray ehelkiisa iyo qaraabadiisa, iyagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed