Taliyaha Ciidanka Xogga Soomaaliya iyi Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo tacsi u diray dowladda Saraakiil sar sare oo ku dhintay Shil diraadeed oo ka dhacay Kenya

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa uga tacsiyeeyay Ciidanka Difaaca Kenya geeridii ku timid Taliyihii Ciidanka Difaaca Kenya General Francis Omondi Ogolla.

G/sare Muxyadiin oo uu wehliyo Danjire Cabdulle ayaa tacsi u diray LT GEN C M KAHARIRI CBS, Taliye ku xigeenka Ciidanka Difaaca iyo wasiirka difaaca Aadan Ducaale

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo khudbad ka jeediyay Telefishinka Kenya, ayaa shaaca ka qaaday in Taliyihii Ciidanka Kenya Francis Ogolla uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Galbeedka Kenya.

Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa burburtay wax yar kadib markii ay duushay galabnimadii Khamiista xiliga dalkaasi, waxaana ku dhintay Ogolla iyo sagaal askari oo kale oo militari ah, sida uu sheegay Ruto. Laba qof ayaa ka badbaaday shilka, ayuu raaciyay.

HB NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed