Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socotay dalka Masar oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.
Saraakiishan ayaa halkaasi gaaray kadib markii ay casuumaad rasmi ah ka heleen Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.
Saraakiisha soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyay amniga, badqabka iyo horumarka ay ku soo arkeen, waxayna shacabka Soomaaliyeed ka taageeri doonaan tababarida ciidamada Booliska iyo horumarinta guud ee Booliska Soomaaliyeed.
HBN NEWS DESK