Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wadahadallada ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo wanaajin lahaa wadashaqeynta ciidamada XDS iyo ATMIS ee dagaalka kula jirta kooxda Al shabaab sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.
Sidoo kale, waxay labada dhinac ka hadleen dhimista ciidamada ATMIS-ta oo billowday bishii June ee sannadkii hore iyadoo 5,000 oo askari laga saaray dalka laba waji bilihii June iyo December.
Wajiga labaad ayaa ATMIS waxa ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejisay Todobo Saldhig oo Horudhac ah halka ay xirtay labo kale.
Saldhigyada la wareejiyay waxaa ka mid ah Aqalka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, meelo kale oo ku yaal gobolada dalka, waxana lagu wadaa in kuwa hor leh ay waraajiyaan dhawaan.
ATMIS waxay mar kale xaqiijisay sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay geeddi-socodka KMG ah ee Soomaaliya, iyagoo carrabka ku adkeeyay in Midowga Afrika uu diyaar u yahay inuu taageero dadaallada socda si loo gaaro nabad waarta, ammaan iyo xasillooni.