XukuumaddaTaiwan ayaa 22 milyan oo dollar sheegtay in ay ku bixinayso, dib u dhiska cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo 2 milyan oo dollar oo dheeraad ah oo lagu taageerayo doorashooyinka soo socda ee Somaliland, taas oo xoojinaysa xidhiidhka labada dhinac.
Heshiiskan lagu casriyeynayo cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa waxa Jimcihii u saxeexay wasiirka caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo wakiil Taiwan ee u fadhiga Somaliland.
Casriyeynta cisbitaalku waa qayb ka mid ah dedaallada ballaaran ee Taiwan ay ku doonayso inay kor ugu qaaddo adeegyada daryeelka caafimaadka ee Somaliland.
Maalgelinta $22 milyan ayaa la filayaa in ay horumariso bixinta daryeelka caafimaadka ee caasimadda iyo gobollada ku xeeran.
2 milyan oo dollar ayaa Taiwan carrabowday in ay ugu deeqday hanaanka doorashooyinka Somaliland, sida laga xiganayo ilo madax banaan oo ka agdhow heshiiskaasi, taasi oo ay ujeedadeedu tahay in lagu taageero doorashada. Dhaqaalahan ayaa ka caawin doona u diyaar garowga doorashooyinka soo socda Xukuumadda Hargeysa.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wakiilka Taiwan ee Hargeysa ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay wadaagaan qiyamka ay wadaagaan, waxaanu uu yiri “Dimuqraadiyadu waa af aynu wadaagno, xorriyadduna waa hadaf guud oo ina wada mideeya, xorriyadda iyo dimuqraadiyaddu waa mabaadi’da asaasiga ah ee isku xirta Somaliland iyo Taiwan iyo bulshada caalamka”.
HBN ONLINE TV