Tahriibayaal Soomaali ka mid tahay oo Doon kula qalibantay xeebaha Yemen

In ka badan 40 tahriibayaal Afrikaan ah oo Soomaali ay ku jirto ayaa lagu la’yahay nolol iyo geeri, ka dib markii dooni ay la socdeen ay kula qalibantay xeebaha gobolka Taiz ee Koonfur Galbeed Yemen.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda X ku sheegtay “Doon siday 45 qof oo isugu jira Qaxooti iyo Muhaajiriin ka soo jeeda Geeska Afrika ayaa xalay ku degtay Taiz Yemen, kadib markii ay dabaylo xooggan ka dhaceen iyo culays xad dhaaf ah oo saarnaa.

Ilaa hadda, kaliya 4 qof oo badbaaday ayaa la helay, halka 41-ka kalena weli la la’yahay, ayay tidhi, iyada oo “UNHCR, IOM iyo la-hawlgalayaasha kale ay sii wadaan in ay ka shaqeeyaan sidii ay u caawin lahaayeen kuwa badbaaday oo ay u dabooli lahaayeen.”

49 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 31 haween ah iyo 6 caruur ah ayaa ku dhintay, halka 140 kalena lagu la’yahay dhacdo tan la mid ah bishii June ee la soo dhaafay, ka dib markii dooni ku degtay deegaanka Sahel Al-Ghareef ee degmada Radhuum ee gobolka Shabwa.

Waxaana la socday 260 muhaajiriin ah (115 Soomaali ah iyo 145 Itoobiyaan ah) ayaa ku jiray.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed