Tahariibyaal ay ku jiraan Soomaali oo laga sii daayay xabsi ku yaal dalka Liibiiya kuwaas oo la qabtay muddo 7 bilood ka hor

Ugu yaraan 107 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur ayaa laga sii daayay magaalo ku taal koonfurta bari ee dalka Liibiya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Liibiya.

Waleed Alorafi, oo ah afhayeenka waaxda dambi baarista ee CID-da ee magaalada Benghazi, ayaa sheegay in muhaajiriinta la qabtay muddo 7 bilood ah, iyagoo doonayay inay Yurub tagaan.

Muhaajiriintan ayaa ka kala yimid wadamo kala duwan oo ku yaala Saxaraha ka hooseeya, balse intooda badan waxay ka yimaadeen Soomaaliya sida uu sheegay Alorafi.

Muhaajiriinta ayaa dhamaantood lagu wareejiyay hay’adda IOM.

CID-da ayaa soo bandhigtay muuqaalo muujinaya ciidankooda oo burburinaya gurigii ay ku jireen tahriibayaasha. Muuqaallada kale waxaa ka mid ah rasaas lagu furay dad tahriibayaal ah oo jirkooda ay ka muuqato jirdil.

Qaar ka mid ah tahriibayaasha ayaa la arkayay iyadoo lagu qaadayo ambalaas ay la socdaan shaqaale gargaar. Xaalada caafimaad ee muhaajiriinta qaar ayaa aad u liidata, sida uu sheegay Alorafi.

Liibiya ayaa marin u noqotay tahriibayaasha ka soo cararay colaadaha iyo faqriga ee u sii gudbaya Yurub iyaga oo sii mara marinka halista ah ee Saxaraha iyo badda Mediterranean-ka ka dib markii la afgambiyay 2011 dowladdii Mucamar Al Qadaafi.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed