SSC Khaatumo Oo Sheegtay Inay Diyaar U Yihiin In Ay Dacwad Dagaal Ka Gudbiyaan Madaxda Somaliland

Maamulka SSC ee Khaatumo ayaa sheegay inay qaadayaan tilaabo sharci ah oo ay u gudbinayaan dacwad ka dhan ah madaxda Somaliland oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal. Firdhiye, hogaamiyaha SSC Khaatumo, ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabeen dacwooyin sharci ah oo lagu horgeyn doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo badan, si maxkamada dambiyada dagaalka loo horgeeyo.

Sida uu sheegay Firdhiye dacwadan ayaa ujeedadeedu tahay in cadaalada lagu raadiyo dambiyadii dagaal  ee dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo ee ka dhacay magaalada Laascaanood  sanadkii hore 2023. Shaqsiyaadka la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/qani Maxamuud Caateeye, Taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, Taliye Mahad Cambaashe iyo lix sarkaal oo kale.

“Waxaan go’aansanay inaan hubinno in kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada oo ay la kulmaan cawaaqibka falkooda,” ayuu yiri Firdhiye. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in Qareenada SSC ay si taxadar leh u aruuriyeen cadeymaha dambiyada dagaalka, kuwaasi oo loo gudbin doono Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada.

Talaabadan ay qaaday SSC Khaatumo ayaa ka tarjumeysa horumar la taaban karo oo ay ku talaabsatay isla xisaabtan iyo cadaalad loo raadiyo dadkii ku waxyeeloobay colaada. Waxaa la arki doonaa sida ay u dhici doonto dacwadaha sharciga ah iyo in shaqsiyaadka la eedeeyay ay wajihi doonaan maxkamadeynta dambiyada dagaal.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed