SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo war ka soo saaray dagaalka Laascaanood.

Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyo Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC, dagaalkii ayaa soo gaaray caawa fiidkii. Ilaa iyo hadda waxaa la dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan iyo xiisad dagaal.

Dagalkaan ayaa ka bilaawday dhanka galbeedka iyo bariga. Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay, goobjoogayaal ayaa sheegay in madaafiic culus ay ku soo dhaceen magaalada kuwaas oo Saameyn yeeshay.

War ka soo baxay dhanka SCC Khaatumo ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland duulaan saaka ku soo qaadeen fariisimada ciidankoodu ku sugan yihiin, waxaana ay sheegteen inay jabiyeen ciidanka Somaliland, isla markaana ay ka qabsadeen saldhigyo.

Dhinaca kale Somaliland ayaa sheegtay in Ciimada Puntland ay oo garab ka helaya huwenta Argagixisada in ay weerar ku soo qaadeen saldhigyada ciimadooda ay ka sugaanyeen,  kadibna ay iska difaaceen.

“Ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya oo garab ka helaya kooxa Huwanta iyo Argagixisada ayaa saaka weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada, ciidamada ayaa markasta diyaar u ah difaac iyo ilaalinta Qarannimada ayaa ku dhuftay cadawga soo wareeray dhirbaaxo aanay mahadin, waxaa ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya iyo Kooxaha Argagixisada ah laga gubay baabur badan oo tikniko ah, guud ahaana waa la jebiyey ” ayaa lagu yiri bahaanka.

Ma jirto cid madaxbanaan oo xaqiijion karta sheegashooyinka labada dhinaca ee ku dagaalamaya Laascaanood.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed