SSC khaatumo faah faahin ka bixsay khasaarihii ka dhashay duqeyntii Laascaanood ee Saaka

SSS-Khaatumo ayaa war ka soo saaray dagaalkii saaka ka dhacay duleedkii magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur, kadib markii madaafiic culus ay ku soo dhaceen gudaha magaalada.

Qoraalka soo baxay SSC khaatumo aayaa lagu yiri sidaan “Duqeynta ayaa waxaa ku dhintay 6 qof oo rayid ah. 19 kale ayaa ku dhaawacmay, waxaana burburay guryo iyo goobo ganacsi”.

Hoggaan SSC ayaa Somaliland ku eedeyay in ay madaafiic culus ay ku garaaaceen dhisomooyinka ku yaal magaalada Laascaanood.

Bayaan ayaa sidoo kale lagu yiri “Maleeshiyada Somaliland ayaa ilaa saaka si isdaba joog ah magaalada Laascaanood waxay ugu garaacayeen madaafiic culus. Duqeymaha aan loo meel dayin, ayaa lala beegsaday goobo rayid ah, xarumo caafimaad, iyo goobo ganacsi.

Dhanka kale hoggaanka fulinta SSC khaatumo ayaa sheegay in ay  mar kale cadeynayaan in ay difaaci doonaan shacabkooda, mar walbana ay diyaar u yihiin ilaalinta nabadda iyo xasiloonida deegaanka.

Somaliland bayaan ay soo saartay ayey ku sheegtay in koox  isbaheysi argagixiso ah, maleeshiyaad iyo ciidaamo ka soo jeedo  Puntland  ay weerar aanan loo meel dayin ku soo qaadeen ciidamadeeda ku sugan duleedka magaalada Lascaanood ee gobolka Sool. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu sheegay in weerar gardaro ah lagu soo qaaday ciidamadooda  ee duleedka Sool.

“Wasaarada Gaashaandhiga Jamhuuriyada Somaliland waxay si xoog leh u cambaaraynaysa talaabada gardarada ah ee doqoniimada ah, oo ay saaka ku kaceen maleeshiyaadka Laascaanood, ciidamada Puntland iyo kooxo argagixiso ah oo caan ah” ayaa lagu yiri.

Somaliland ayaa intaas raacisay in weerarkaas uu yahay mid khatar xooggan ku ah ammaanka, iyada oo sheegtay in ciidamadeeda ay si geesnimo leh isku difaaceen, isla markaan ay jab xooggan gaarsiiyeen ciidamadii soo weeraray, sida ay ku sheegaan warsaxaafadeedka ay soo saareen.

Majirto cid kale oo  madax bannaan oo xaqiijisay khasaaraha dhabtaa ee ka dashay dagaalkaas, ,marka laga soo tago sheegada labada dhinac ee isku haya gacan ku heynta magaalada Laascaanood.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed