Soomaaliya & Turkiga oo qalinka ku duugay heshiis soo saaris shidaal

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa maanta  kala saxiixday heshiis shidaal baaris iyo qodis ah, kaasoo sii xoojinaya xiriirka labada dal ka dib markii ay soo gabagabeeyeen heshiiska difaaca bishii hore.

Heshiisku wuxuu ku wajahan yahay kaydka Kaarboonka ee aagga dhaqaalaha gaarka ah, kaasoo aan la samayn tan iyo burburkii dawladdii Soomaaliya horaantii 1991-dii, Waxa kale oo ka mid ah sahaminta dhulka. Heshiiska waxaa magaalada Istanbul u saxiixay Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed.

Iyadoo taas ka jawaabeysa, Ankara waxay Soomaaliya la saxiixatay heshiis dhameystiran oo difaaca badda ah bishii hore, kaas oo Muqdisho ay sheegtay in uu waajibinayo Turkiga inuu ka difaaco biyaha badda Soomaaliya argagixisada, burcad-badeedda iyo khatar kasta oo dibadda ah oo ku xad-gudbi karta xuquuqda qaranimada Soomaaliya 10-ka sano ee soo socota.

Ciidamada badda ee Turkiga ayaa horay uga howlgalayay xeebaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed iyagoo qeyb ka ah howlgalka Qaramada Midoobay ee la dagaalanka burcad badeeda iyo kooxahahubeysan tan iyo sanadkii 2009-kii.

Turkigu waxa uu khibrad sannado badan u leeyahay sahaminta tamarta badda tan iyo markii uu gaaska ka helay Badda Madow 2020.

Warbixinada dowladda Mareykanka ayaa sheegaya in laga yaabo in Soomaaliya ay leedahay ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto oo saliid iyo gaas ah, balse ay u baahan tahay maalgashi qaadan kara saddex ilaa shan sano.

Sanadkii 2022, dowladda Soomaaliya ayaa heshiis sahamin ah la saxiixatay shirkadda Sahanka xeebaha ee fadhigeedu yahay Mareykanka, si ay uga dhisto todobo baloog oo xeebaha ka baxsan. Qodista ayaa la qorsheeyay inay bilaabato 2025.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii dhaqaale badan geliyay Soomaaliya, isagoo Muqdisho ka hirgeliyay safaaradda ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay caalamka.

Turkiga ayaa hadda saldhig weyn Afrika  ku leh magaalada Muqdisho, waxaana shirkado laga leeyahay dalka Turkiga ay maamulaan garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada. Waxaa lagu qiyaasaa in Turkigu uu tababaray in ka badan 16,000 oo askari oo Soomaali ah, oo u dhiganta saddex meelood meel meel ciidamada, kuwaas oo isugu jira ciida Turkiga iyo saldhigga Muqdisho ee loo yaqaan Turksom.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed