Soomaaliya oo qirtay “jiritaanka Maraakiib” sifo sharci daro ah kaga Kaluumeysta Baddeeda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb galay shir looga hadlayey barnaamijka Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029 ayaa sheegay in Badda Soomaaliya ay ku jiraan kun markab oo wax dhaqaale ah ku soo celin Dowladda.

Qudbadda madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ku cadeeyey si dhab ah ay u jirto in marka la gaaro xilliga kaluumeysiga ay dalka yimidaan kun Marakab oo cadeyn loo haayo, kuwaa oo aan wax ogolaanshiya ah ka heysan Soomaaliya, kuna soo celin dowladda wax dhaqaale ah, taasi oo banaanka keeneysa in biyaha Soomaaliya si sharci darro ah looga Kaluumeysto.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in uu soo dhamaaday wakhtigii cid si sifo sharci darro ah kaga kaluumeysa jirtay biyaha dalka, isaga oo sheegay in dowladd Soomaaliya ay soo dhaweyn doonto cid walba oo wax qeybsi la gali karta dalka.

Soomaaliya oo aan awoodin ilaalinta xeebaheeda ayaa waxaa ka gacansiiya Maraakiib dhanka amniga ka shaqeeya oo ay leeyihiin wadamada ugu waa weyn iyo Midowga Yurub, waxaana taasi bedelkeeda ay helaan dhaqaale ku filnaa lahaa sida ay qabaan dadka siyaasadda ka hadla dhisidda ciidamada Badda dalka.

Badi Kaluumeysatada Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan Maraakiib aan heybtooda la aqoon oo jiriif ku sameeya Shamaagahooda, iyada oo tilmaamay in dooma badan Badda la qaadsiiyey oo la jajabiyey.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed