Masuuliyiinta xilalka Wasiir & Xildhibaan isku haya ee dawlada Soomaaliya oo loo qabtay muddo hal todobaad ah

Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Soomaaliya ayaa faray hay’adaha dowladda inay dhaqan geliyaan qodobbada Dastuurka ee ku saabsan kala saarista xilalka Xildhibaan iyo Wasiir. Guddigu wuxuu sheegay in qofku uusan isku mar noqon karin Xildhibaan iyo Wasiir.

War saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay iin Muddadii lixda bilood ahayd ee loogu talagalay in tallaabooyinka maamul lagu waafajiyo Dastuurka cusub ay ku eg tahay 14-ka bishaan Oktoobar 2026. Sida uu Guddigu sheegay, muddadan waxay bilaabatay 14-kii Abriil 2026, oo ahayd maalintii Dastuurku dhaqan galay.

Bayaanka ayaa sida ku xusan wuxuu sheegayaa in 14-ka Oktoobar ay dhaqan gali doonaan qodobbada nidaaminaya kala saarista xilalka Xildhibaannada iyo Wasiirrada.

Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegay in Dastuurku uu dhigayo in Xildhibaan uu luminayo xubinnimadiisa haddii uu aqbalo xil kale oo dowladeed. Sidaas darteed, Guddigu wuxuu sheegay in dadka ay khusayso ay tahay inay qaataan tallaabada ku habboon marka uu dhaqan galo amarkaasi.

“Waxaa dhaqangalaya, maalinta 14aad ee bisha Oktoobar 2026, Qodobka 81-aad, Faqradda 1-aad, xarafka (f) iyo Qodobka 117aad, Faqradda 3(a) ee Dastuurka, oo xeerinaya kala saaridda xildhibaannada iyo Wasiirrada, taas oo ah in wasiirka ah xildhibaan uu luminayo xubinnimada Golaha Wasiirrada. Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu luminayaa xildhibaannimada haddii uu aqbalo xil kale oo dawladeed” ayaa lagu yiri bayaanka Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Guddiga ayaa xusay in hirgelinta qodobbadan ay tahay waajib dastuuri ah, maadaama Dastuurka Soomaaliya uu yahay xeerka ugu sarreeya dalka marka laga reebo Shareecada Islaamka, waxaana Hay’adaha dowladda oo dhan lagu waajibiyey inay u hoggaansamaan oo ay si buuxda u dhaqan geliyaan qodobbada kala saarista xilalka masuuliyiinta Dowladda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed