Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee ahaa in Itoobiya laga saarayo howlgalka soo socda uu sidii yahay, haddii aysan ka laaban heshiiskii Addis Ababa ee ay la gashay Somaliland.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur wasiirka gaashaandhigga ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka Itoobiya laga saari doono howlgalka soo socda ee AUSSOM. Waxaa uu carrabaabay in lagu bedeli doono dowladdii ka faa’iideysaneysa booska ay baneyso xukuumadda Addis Ababa, iyada oo wakhtiga harsan uu aad u yaryaahy.
“Itoobiya ciidankeeda qeyb kama noqon doonaan howlgalada ciidan ee dalka ka socda, haddii aysan ka noqon damaceeda iyo heshiis beenaadii xad-gudubka ku ahaa qaranimada Soomaaliya.”
Wasiirka difaaca ayaa sida oo kale hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay ATMIS kala wareegtay 27 goobood oo ay baneeyeen, lana rajeynayo in intaas oo kale isla sanadkan lagala wareegi doono.
Dhinaca kale, Markabka Turkiga ee cilmi baarista seismic-ka ee u soo ambabaxay Soomaaliya ayuu bogaadiyay kaasi oo qayb ka ah hirgelinta heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee qalinka ay ku duugeen bishii Febraayo 2024, isaga oo ay la socdaan sida uu tilmaamay raxan maraakiibka dagaalka ee dalkaasi.
Heshiiskii Febraayo ayaa qeexaya in biyahaa Soomaaliya uu ilaaliyo Turkiga muddo 10 sano ku siman iyo in uu dhiso oo tababaro ciidamada Badda.
HBN ONLINE TV