Soomaaliya oo maanta si rasmi ah ugu biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo macluumaad ku saabsan

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ah Waddankii 8-aad ee ku biiray Iskaashiga ururkaas, ka dib markii ay Qalabka Ansixinta u gudbisay Xoghayaha Guud ee Uruurka  Peter Mutuku Mathuki oo maanta ku sugnaa xarunta EAC ee magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Caruusha u joogay dhammaystirka hannaanka ku biiritaanka, oo soo bilaabmay December 2023, markaasoo Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Xasan Maxamuud iyo Guddoomiyaha Shir-madaxeedka Ururka Bulshada Bariga Afrika,.

Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa soo dhaweeyay in Soomaaliya ay noqoto xubinta ugu cusub ee Ururka, oo ah urur goboleed ay ku midaysan yihiin siddeed dowlad kaas oo ujeedadiisu tahay in ay sii xoojiyaan iskaashiga ka dhexeeya Waddamada ay saaxiibka yihiin ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada.

Ururka Bulshada Bariga Afrika waxa la aas aasay 1999kii, ka dib burburkii Bulshada Bariga Afrika ee asalka u ahayd 1977. EAC waxa ku nool dad gaaraya 186 milyan oo qof iyo isku darka wax soo saarka gudaha oo dhan ilaa US$193 bilyan. Bulshada Bariga Afrika waxay ka koobnan yihiin siddedaad Waddan oo Saaxiibo ah, oo ay ku jiraan Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda,Tanzania iyo Soomaaliya oo ku biirtay maaanta.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed