Soomaaliya oo Cambaareeysay Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Magaalada Moscow kaasoo dhaliyay khasaaro xoggan

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  loogu tacsiyadeeyay shacabka Ruushka, kadib weerarkii argagixiso ee ka dhacay Magaalada Moscow. Weerarka ayaa lala beegsaday Tiyaatar ay ka socotay bandhig faneed, waxaana ku dhintay 40 qof 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay falkaasi argagixiso, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Ruushka xilligan adag. Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay in ay diidaan dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah si loola dagaallamo khatarahaas nabadda iyo amniga.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in rag hubeysan oo ku labisan dareeska ciidamada ay xoog ku galeen xarunta Tiyaatarka, waxaana ay fureen rasaas iyo bambooyinka gacanta laga tuuro. Weerarkan ayaa ka dhacay hoolka bandhiga ee Crocus City oo ku yaala degmada Krasnogorsk ee duleedka waqooyi ee magaalada Moscow, goobtaasi oo caan ku ahayd in lagu soo bandhigo bandhig faneedka fanaaniinta caalamiga ah isla markaana soo jiitaan kumanaan qof.

Weerarka kadib, waxaa la bilaabay baaritaan “argagixiso”, waxaana xaaladda lagu wargeliyay madaxweyne Vladimir Putin. Sidoo kale, dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS) ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo sheegtay in dagaalyahannadooda ay beegsadeen goob ay isku urursanayeen oo ku yaalla duleedka magaalada Moscow. Warka kasoo baxay Daacish oo lagu daabacay barta Telegram-ka ayaa lagu sheegay in dagaalyahanada ay si nabad gelyo ah ugu laabteen goobihii ay weerarka ka fuliyeen.

War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in si degdeg ah loogu baahan yahay dadaallo wadajir ah oo heer caalami ah oo lagula dagaallamayo argagixisada iyo ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed