Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah isla markaana isla soo qaaday qodobo culus

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo arrimo kale oo khuseeya labada dal, sida uu sheegay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Bishii September ee la soo dhaafay, mar uu booqasho ku tagay Dooxada, ayuu Barre ku ammaanay mowqifka Dowladda Qatar ay ku taageereyso dalkiisa duruufaha kala duwan, isagoo caddeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay xasuusan doonaan, ayna qadarin doonaan mansabyada sharafta leh ee Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA ayaa sheegay in Qatar aysan marnaba ka laba labeyn caawinta iyo taageeridda dhammaan arrimaha iyo golayaasha gobolka iyo caalamka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa inay soo jiidato maalgashadayaasha Qatar si ay u qabtaan mashaariic wax badan ka tari karta horumarka dalka iyo abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada iyo carruurta ah.

Qeybo badan ayaa lagu maalgelin karaa, gaar ahaan mashaariicda beeraha, xoolaha, iyo kalluumeysiga, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeeb ka badan 3,700 oo kilomitir, Soomaaliya sidoo kale waxay leedahay qiyaastii 8.5 milyan hektar oo dhul barwaaqo ah, ilaa 40 milyan oo geel ah, ido iyo lo’ iyo fursado kale, qaybta tamarta iyo warshadaha kala duwan.

Qatar iyo Soomaaliya ayaa xiriir diblomaasiyadeed sameystay sanadkii 1970-kii, waxaana labada dal ay xubin ka yihiin Jaamacadda Carabta.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed