Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah kuwaas oo shaaciyay qodobada ugu muhiimsan

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa kulan la qaatay Wasiirka Koonfur Afrika Naledi Pandor oo ay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada.

Labada mas’uul ayaa is dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin horumarka dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada si kor loogu qaado xiriirka labada dal.

Ma’suliyiinta  ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay inay si dhow uga wada-shaqeeyaan horumarinta nabadda iyo horumarinta dhaqaalaha labada dal.

Muwaadiniin badan oo Soomaali ah ayaa ku sugan dalka Koonfur Afrika, kuwaasi oo baadi ku leh goobo ganacsi, iyadoo dhowr ka mid ah dadkaasi ay dhisteen goobo ganacsi oo ballaaran. Balse waxaa jira cabashooyin dhowr ah oo ku saabsan dilalka qorsheysan iyo dilalka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika gaar ahaan dhammaadka sanad walba xilliyada ciidda Christmas-ka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed