Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Aadan Barre Ducaale kuwaas oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka iyo dardar galinta dadaalada mideysan ee lagu ciribtirayo argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan ururka Al shabaab deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashiga heer gobol , si looga adkaado wax uu ku sheegay argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa tilmaamay sida dowladda Kenya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood iyo taageeridda dheeriga ah ee ka dhanka ah dagaalyahannada Al shabaab.
HBN NEWS DESK