Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta oo iska fogeeyay war ka soo yeeray Somaliland kaasoo ahay in diyaarado laag leeyahay Dubai iyo Adis Ababa ay ku sigteen shil

Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa si kala gooni gooni ah u beeniyey warar ay warbaahinta qaarkeed baahisay oo sheegayey in shirkadda Airlines  Emirates  iyo Ethiopian Airlines ay si dirqi ah kaga badbaadeen shil toddobaadkan ay ku safrayeen hawada Somaliland.

Warbaahinta oo soo xiganaysa Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland, ayaa si faahfaahsan u sheegtay in  dhacdadani dhacday fiidnimadii Axadda ee 24-kii March, sida hadalka u dhigtay,  kaddib markii hay’adda duulista rayidka Somaliland maalmo ka hor ay sheegtay qalad ay galeen hagayaasha diyaaradaha ee Muqdisho ay ka dhalan gaartay inay isku dhacaan diyaaradda Emirates  oo duulimaadkeeda u ahaa 777 EK722, oo ku sii jeeday Dubai iyo diyaaradda Ethiopian Airlines  737 MAX ee duulimaad lambarkiisu ahaa ET690.

Afhayeen u hadlay Emirates Airlines, ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin warka la xiriira isku dhaca labada diyaaradood, wuxuuna markaa sheegay in diyaaradaha Emirates Airlines ay leeyihiin nidaam ka ilaalinaya inay galaan khadka ay ku jiraan diyaaradaha kale, sida u ku warramay wargeyska Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee Gulfnews.

Saraakiisha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya  , ayaa dhankooda laga soo xigtay inaysan jirin wax qaladaad dhankooda ah oo sababi gaaray isku dhaca diyaaradaha , iyagoo intaa ku daray inaysan labada diyaaradood ee la sheegay inay isku dhici gaareen aysan isku jiho u duuleyn, wararka arrintaa la xiriirina ay yihiin wax ay ugu yeereen “dacaayad siyaasadeed”, iyagoo markaa tilmaamay in hawada Soomaaliya ay tahay mid badqabkeeda ay kalsooni ku qabaan shirkadaha diyaaradaha ee caalamka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed