Soomaaliya & 4 dal oo kale oo ku biiraya Golah Ammaanka Qaramada Midoobay

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa galabta u codeyn doona shan dal oo ku soo biiri doona Golaha Ammaanka gaar ahaan xubnaha aan joogtada ahayn.

Fadhigan oo ah kii 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ayaa dhici doona 5-ta galabnimo saacada Geeska Afrika, waxaana cod qarsoodi ah lagu dooran doonaa shan dal oo beddeli doonaa dalalka Mozambique oo Afrika ka matalaysay, Japan oo matalaysay dalalka Asia-Pacific, Ecuador oo ka socotay Latin American & Caribbean & Malta iyo Switzerland oo dalalka Galbeedka Yurub ka socda.

Ilo diblumaasiyadeed oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya, Denmark, Greece, Pakistan & Panama la filayo in loo doorto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka labada sano ee socota.

Wafdi ka socda dawlada Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Macalin Fiqi ayaa haatan ku sugan magaalada New York halkaasi oo saacadihii la soo dhaafay ay ka wadeen ololle ku aadan in Soomaaliya ay hesho codka dalalka maanta codeyn doona.

Diblumaasiyiinta Soomaaliya ee wafdiga ka tirsan ayaa u xaqiijiyay HBN Online TV in Soomaaliya ay heshay kalsooni buuxda oo ku aadan in ay ku guulaysato kuriga Golaha Ammaanka ayna ku faraxsan yihiin dadaalka la soo sameeyay muddooyinkii la soo dhaafay.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed