Soomaaliland Oo Soo Bandhigtay Maxaabiis Dagaalka Laascaanood iyo Xiisad Dagaal oo jirto

Dagaalka ka Socday Laascaanood muddo ku dhaw laba bil ayaa lagu kala qabsaday maxabiis kala duwan intii uu dagaalka socday, iyada oo Soomaaliland ay soo bandhigtay maxaabiis ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsanaan jiray Puntland.

Somaliland ayaa sheegayay in ay gacanta ku hayso 6 maxaabiis ah oo uu ku jiro Faarax Dalmar oo katirsanaa golaha wakiilada Puntland, kana soo jeeda magaalada Laascaanood Sida ay faafiyeen.

5tii Jan 2023 ayuu Farah Dalmar sheegay in uu iska casilay xildhibaanimada Puntland, kana mid noqday dagaalamayaasha deegaanka ee kasoo horjeeda damaca Somaliland.

Inkasta oo aan la xaqiijin in laga aqbalay iyo in kale, Dalmar ayaa horey ugu dhaawacmay dagaalo ay wada galeen dadka deegaanka iyo Somaliland, gaar ahaana 2018-kii.

Xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa ka kacsan maanta waxaana ka jirto xiisad dagaal iyo dhiilo Colaadeed sida ay sheegayaan ilo ku sugan magalaada.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka oo markii hore ka billaawday dhinaca bari ee Magaalada LaasCaanood uu ku fiday degaano kale, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Somaliland ayaa sheegtay in dhankooda weerar lagu soo qaaday oo ay fulinayaan xabadjoojin ay horey ugu dhawaaqeen, xili 26kii bishii March ay sheegtay in ay iyadu qorsheynayso duulaan dagaal.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed