Soomaaliland ayaa War Hore Leh Ka Soo Saartay Dagaalkii Shalay ee Laascaanood.

Soomaaliland ayaa faah faahin ka bixisay dagaalkii cuslaay ee shalay ka dhacay magalaada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo Ciidanka Soomaaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ay ku dagaallameen.

Taliyaha qaybta 12aad ee Ciidanka Somaluland Gen Faysal Cabdi Bootaan ayaa ka hadlay xaalada magaalada Laascaanood, gaar ahaan weeraradii shalay ee duleedka magaalada.

Faysal Cabdi Bootaan oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Puntland iyo argagixiso uu hogaaminayo Cabdi Madoobe ay shalay ka soo weerareen saddex jiho ciimada Soomaaliland.

Sido kale Faysal Cabdi Bootaan ayaa Adeegsaday erayga ah “Waa nabad gelayo waana nabad qabnaa” kadib markii ilo kala duwan ay xaqiijiyeen in uu ku dhaawacmay dagaalkii shalay ka dhacay Laascaanood.

Taliye Faysal ayaa sheegay in dadka reer Laascaanood aysan duulaan ku aheyn balse ay ku soo duuleen Argagixiso iyo Puntland, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka reer Laascaanood 15sano ayaan la noolayn oo weerar kuma aan ahayn niman soo duulay iyo argagixso kusoo dhex dhuuntay iyo maamulka Puntland oo cadaystay ayaa howshaas dagaalka keenay” ayuu yiri Faysal Cabdi Bootaan.

Muddo ku dhow laba Bilood ayaa waxaa duleedka Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ay ku dagaalamayaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC, waxaana dagaalladaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho dhaawac iyo barakac xooggan.

HBN News desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed