Somaliland oo Maanta ay Ka Bilabaneyso Bixinta Kaararka Doorashada

Somaliland maanta waxaa ka bilaabaneysaa qeybinta  kaararka codbixinta  oo horay u shaaciyeen guddiga doorashooyinka in ay bilaaabayaan 31 bishaan May oo ku beegan maanta oo Arbaco ah, waxaa haatan socoto sidii loo gaarsiin lahaa kaararka dadkii horay isku diiwaangaliyay kuwaas oo ku suggan deegaannada Somaliland.

Shaqaalihii ka shaqeynayay ayaa loo kala dirada gobolada kuwaas oo lagu wado in muddo 10 maalin ah ay ku soo gabagabeynaa gobolada ay ku dhawaaqeen Guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland.

Doorashooyinka oo muddo dib u dhacay ayaa isbuucii hore Guddigu waxaa ay sheegeen ay bilaabayaan bixinta kaararka shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa, waxana lagu wada in la dardar galiyo arrimaha la xiriiro doorashada, inkastoo aanan loo cayimin guud ahaan xilliga la soo gababaneynaayo doorashooyinka guud.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed