Aadan Madoobe oo Muqdisho ka wada kulamo looga arrinsanayo dib u qabsashada deegaannada Koonfur Galbeed

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Muqdisho kulamo siyaasadeed ka wada oo diiradda lagu saarayo xaaladda guud ee deegaanada maamulka iyo sidii dib loogu soo ceshan lahaa degmooyinka laga qabsaday ee ka tirsan gobolka Baay

Madaxtooyada maamulka ayaa sheegay in hoggaamiye Aadan Madoobe uu kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyagoo ka wada hadlay arrimaha amniga, siyaasadda, nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xoojinta midnimada bulshada, wadajirka iyo iskaashiga siyaasadeed, si loo adkeeyo xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka maamulka, labada mas’uul ayaa gorfeeyey dadaallada nabad ku wada noolaanshaha bulshada iyo dib u xoreynta waxa loogu yeeray degmooyinka ay kooxaha hubeysan qabsadeen.

Kulamadan ayaa imanaya xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo amni oo saameeyay deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed