Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay caawa habraac ay ku sheegtay mid lagu diwaangalinayo Culimadda & shaqsiyaad fuliya arrimaha guurka, kaas oo dhigaya in guurka ay fulin karaan oo keliya garsoore ama Ma’duun si rasmi ah uga diiwaangashan wasaaradda.
War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu sheegay in habraacan looga golleeyahay nidaaminta diiwaangelinta, tababbarka, rukhsad-siinta iyo kormeerka Ma’duunnada oo ah dadka meheriya guurka iyo sidoo kale xaqiijinta iyo diiwaangelinta guurka, si xal rasmi ah loogu helo caqabadaha iyo dacwadaha la xiriira arrimaha guurka.
Wasaaraddu waxay dhammaan Ma’duunnada ugu fartay inay maraan hab diiwaangelin ah oo la soo saaray, ayna u hoggaansamaan shuruudaha iyo habraacyada lagu nidaaminayo shaqadooda.
Sidoo kale, waxaa la adkeeyay ilaalinta sirta iyo xogta shakhsiga ah ee la xiriirta guurka, iyadoo la raacayo shuruucda dalka, waxayna ugu baaqday hay’addaha garsoorka, wasaaradaha caddaaladda ee dowlad-goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo hay’adaha kale ee ay khusayso inay xoojiyaan wada-shaqaynta, si loo hirgeliyo habraacan──loona xaqiijiyo nidaam rasmi ah oo lagu fuliyo laguna diiwaangeliyo guurka Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

