Somaliland oo ka hadashay dagaalka Laascaanood xilli ay eed horleh u jeedisay Puntland

Soomaaliland iyo Dowladda Uk ayaa kawada hadlay dagaalka magaalada Laascaanood, arrimaha doorashooyinka Soomaaliland , iyo xal u helida colaada gobolka Sool halkaas muddo ay ku dagaalamayaan Labada dhinac ee isku haya gacanta ku heyna gobolkaas.

Muuse Biixi Candi Madaxweynaha Soomaaliland iyo Wasiiru dowlaha hormarinta arrimaha  iyo arrimaha Afrika ee Dowladda Ingiriiska Andrew Mitchel ayaa kulan ku yeeshay Aallada Fogaan araga ee Zoomka.

Muuse Biixi ayaa ka war bixiyay ugu horreyn xaalada Magaalada Laascaanood halka ay mareyso qorshaha uga yaal Soomaaliland iyo sidoo kale arrimaha doorashooyinka taas oo muddo dib u dhacday wilina aanan wax xal ah laga gaarin.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa sheegay in ay marwalbe diyaar yihiin xabad joojin bilaa shuruud ah, dhowr jeerna ah horay ugu baaqeen wilina ah ku taagan yihiin in xal laga gaaro nabadeynta Laascaanood si looga hortago dhiig sii daata.

Muuse Biixi ayaa soo hadal qaaday in beesha caalamka ay ku armaan Puntland in ay Ciidankeeda ka saaraan magaalada Laascaanood, taasina ay caqabad ku noqo karto in haggaajinya iyo nabadda gobolka Sool, Sidoo kale waxaa uu la wadaagay Wasiiru dowlaha in  Soomaaliland ay ku qasban tahay in ay difaacdaan Xuduudahooda taasina qasab tahay.

Dhankale Puntland ayuu ku eedeyay inau jeexayaan  xuduud qabyaaladeed taas oo saameyn ku yeelan karta guud ahaan nabada gobolka, waxaa uu hoosta ka xariiqay in Puntland ay ka baxdo Laascaanood.

Ma ahan markii ugu horreysay ee Soomaaliland ah eedeyn u jeediso Puntlanad dhowr jeer oo hore ayey ku eedeyeen in ay qeyb ka yihiin dagaalka Laascaanood, balse Puntland ayaa iska fogeysay eedeyntaas, iyaga oo sheegay in asyan qeyb ka aheyn dagaalka gobolka Sool.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed