Somaliland oo ka falcelisay Dastuurka cusub ee ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya isla markaana caddeysay mowqifkeeda

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan, ayaa  sheegay in Dastuurka cusub ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya aanu khusayn Somaliland, isla markaana uu gooni u yahay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka oo waraysi siiyey warbaahinta, waxa uu ku nuux-nuux saday inaanay shacabka Somaliland marnaba ka mid noqon doonin Dastuurka Soomaaliya, ay leeyihiin mid u gaar ah, kana madax bannaan yihiin, waxaa uu carabka ku adkeeyay in uu san saameyn doonin hannaankooda siyaasadeed.

“Soomaaliya waa dowlad deris ah, dastuurka anaga nama quseeyo, xitaa 1960-kii markii dastuur loo codeeyay, sidii uu ahaan jiray ayaan u diidnay.” Ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, halka dowladda Soomaaliya ay u aqoonsan tahay dhul kamid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sabtidii, baarlamaanka ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta dib u habeynta hannaanka doorashada dalka. Qorshahaan ayaa waxaa dhaliilay Madaxweynayaashii hore iyo Ra’iisul Wasaarayaashii hore oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Maamulka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoosta ka xariiqay in Dastuurka wax laga beddelay uu yahay mid ku saleysan Shareecada Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo xusay inay muhiim tahay in Dowladda Soomaalyia ay dhameystirto Dastuurka.

Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay ka laabteen aqoonsiga dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo ku sababeeyay wax ka bedelka dastuurka inuu jabinayo heshiiskii federaalka ee taariikh ahaan dalka ku midoobay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed