Somaliland oo jawaab culus ka bixisay war ka soo baxay dalalka G7 kuwaas maamulkaas ku tilmaamay gobol ka tirsan Soomaaliya walaacna ka muujiyay hishiiskii Itoobiya

Somaliland oo ka jawaabtay hadalkii dhawaan ka soo yeeray todobada waddan ee G7, ayaa ka dhawaajisay sida ay uga xun tahay in lagu sheego gobol ka mid ah Soomaaliya.

Dalalka ku 67 ayaa sheegay in khilaafks u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya lagu dhammeyo wadahadal isla markaan walaac ka muujiyay hishiiskii is-af-garadka ahayvee dhexmaray Itoobiya iyo gobolka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen.

Somaliland, iyadoo u sii mareysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku cambaareysay hadalkii Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee G7 ee ku jiray warbixintooda.

“Xukuumadda iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxay aad uga caroodeen war-saxaafadeedka ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee G7, ee ay ku sheegeen in Jamhuuriyadda Somaliland tahay gobol ka mid ah Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedku, waxaanu ku nuux-nuux saday in midawgii Somaliland iyo Soomaaliya aanu ku dhisnayn arrimo sharci, isla markaana uu burburay. Somaliland waxay mar kale xaqiijisay inay tahay qaran madax-banaan oo leh shuruuc iyo dastuur u gaar ah, kuna salaysan afti dimuqraadi ah.

“Waa wax lala yaabo in la arko wadamada G7 ee sheegta inay fulinayaan dimuqraadiyada inay go’aansadaan inay iska indhatiraan xaqiiqada dimuqraadiyadda iyo xasiloonida Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay iftiimisay gardarada sii kordhaysa ee Soomaaliya iyo dedaalka ay Madaxdoodu ugu jiraan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen colaadihii hore ee Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay huriyeen colaado hor leh.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed